Dagaalo Xoog Badan oo Xaley Ka Dhacay Degmada Tiyeegloow

0
36

Dagaal culus, ayaa Xaley saqdii dhexe dib uga bilowdey hareeraha Degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool, iyadoo dagaalka uu yahay mid marar badan leesku soo noq noqday.

Coodamo Al Shabaab, ayaa gelinkii dambe ee Isniintii weerar ku soo qaaday xarun ay ku sugan yihiin ciidamada beeleedyo ku labisan dareyska dowlada iyo ciidanka deegaanka, iyadoona dib loo caabiyay.

Gelinkii dambe ee shaley dagaalkii ay Shabaabku ku soo qaadeen labada ciidan, ayaa illaa Xaley ka soconayay wadooyinka soo gala Degmada Tiyeeglow, waxaana dagaalkan lagu sheegay noociisii ugu xooganaa oo labada dhinac isaga horyimaadan, tan iyo shalay galab.

Ilaa iyo hada lama oga qasaaraha dhabta ah ee ka dhashey dagaalkan walow ay labada dhinac kala sheeganayaan in midba midka kale uu u geystey qasaaro badan taasoo ilaa iyio hada aan la xaqiijin karin.