War Deg Deg ah Qarax aad u Weyn Kol Dhaweyd Ka Dhacay Dalcada Daljirka Dahsoon

0
22

Warar kol dhaweyd aan ka helney magalada muqdisho ayaa sheegaya in Agagaarka Daljirka Daahsoon ee Magaalada Muqdisho uu ka dhacay qarax aad u weyn qasaara badana geystey.

Qaraxan ayaa la sheegay in loo adeegsaday Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay, waxaana uu gaarigaasi ku qarxay Dalcada Daljirka Daahsoon.

Ciidanka Amaanka ayaa la sheegey iney halkaasi gaareen balse ilaa iyo hada lama oga qasaaraha inta uu la ag yahay iyo cida lala beegsadey.