Doorashada Madaxweyne ee Maamul Goboleedka Hir Shabeele oo Kol Dhaweyd Bilaabatey

0
23

Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa goor dhow ka bilaabatay Munasaabada lagu dooranayo Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle.

Munsaasabadan ayaa waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo uu ugu hireeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa), Urur Goboleedka IGAD, Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle iyo xubno kale.

Da ku sugan madasha uu ka bilaabanayo doorashooyinka ayaa soo sheegaya in si toos ah ay u bilaabatay Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle.

Sidoo kale waxaa ay sheegayaa in uu is casilay Cali Maxamed Caraale oo ka mid ahaa Musharaxiinta u taagan Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle.