Qaar Ka Tirsan Maamul Goboleedyada oo Lagu Amrey Iney Liiska ka Saaraan Hogaamiye Kooxeedyadii Hore

0
35

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Danjire Michael Keating, ayaa ugu baaqay maamulada Puntland, Galmudug iyo Jubbaland in ay ka reebaan xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka xubno uu ku sheegay inay ka mid ahaayeen Hoggaamiye Kooxeedyadii Soomaaliya.

Danjire Keating oo mid ka mid ah ayaa si gaar ah Maamulka Galmudug uga Dalbaday inay liiska xubnaha Aqalka Sare ee la doortay ka saaraan Cabdi Xasan Cawaale [Qaybdiid].

Sidoo kale, Ergayga QM ee Somalia ayaa Warbixintiisa ku sheegay in horay loogu gaagay heshiis in hohgaamiye kooxeedyadii hore ee Dalka laga reebo xubnaha Aqallada Hoose iyo Sare ee Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Qoraalkan oo maalin ka hor la diray, ayaa haddana shalay waxaa xubnaha ku guuleystay Aqalka Sare ee Galmudug ka mid ahaa; Jen. Cabdi Qaybdiid oo laga ka mid ahaa dadkii laga digay in Aqalka Sare loosoo doorto.

Maamulka Galmudug ayaa dhankooda sheegay in qoraalkan uu soo gaaray xilli la doortay Jen. Cabdi Qaybdiid, inkastoo aysan sheegin Sida ay ka yeelanayaan Qoraalkan Wakiilka QM ee Somalia kasoo baxay.

Maamul-goboleedka Jubbaland – ayaa laga dalbaday in ay Liiska xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ka saaraan C/fataax Maxamed Cali oo la sheegay inuu horay ula soo shaqeeyay Ururkii Xisbul-Islaam.