Daawo Hiiraan oo Ku Dhawaaqdey In Maamul Ay Sameysatey Isla Markaana Meel Marisey dastuuirkii Maamulkasi uu Ku Shaqeyn lahaa

0
154

Waxaa goor dhaweyd Magaalada Beledweyne, lagu soo Gaba-gabeeyay kulan lagu soo bandhigay dastuurka uu yeelanayo Maamulka Hiiraan State oo dhawaan ay Duubabka-dhaqanka dhismihiisa uga dhawaaqeen magaalada Beledweyne.

Akharinta Dastuurka, kaddib ayaa ergada goobta ku sugnayd waxaa la weydiistay inay cod gacan-taag ah ku ansixiyaan , Waxaana Aqbashay 419 ka mid ah 423 ergo ah Goobtaas ku sugnayd saddex qof ayaa diiday halka qof kalena uu ka aamusay.