Dowlada Itoobiya oo Xaalad Deg Deg ah Gelisey Dalka Kadib Kolkii Rabshadaha Bateen

0
31

Xukuumadda Itoobiya ayaa maanta ku dhawaaqday in dalka ay gelisay xaalad deg-deg ah, kaddib mudaaharaadyo dalkaas ka socday lixdii bilood ee ugu dambeysay, kuwaasoo intooda badan ka dhacayay gobolka ay dagaan qowmiyadda Oromada oo shacabka dalkaas ugu tiro badan.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa xaaladda deg-dega ah ee dalka la geliyay kaga dhawaaqay Maanta oo Axad ah – Telefishinka Xukuumadda Addis Ababa ay maamusho.

Xaaladdan deg-degga ah ayaa waxay imaanaysaa xilli xisbiga xukuma Dalkaas ee EPRDF uu isku dayayo inuu wadahadallo la furo axsaabta mucaaradka ah oo lagu eedeeyay inay ka yihiin mas’uul Dibadbaxyada rabshadaha wata ee ka dhacaya waddankaas.

Mudaaharaadyadan rabshadaha wata, ayaa waxay caqabad weyn ku noqdeen horumarrada dhaqaalaha ah ee uu dalkaas ku Tallaabsaday sannadihii lasoo dhaafay, iyadoo Itoobiya ay tusaale u noqotay Afrika marka la eego dhanka horumarka.