Qaramada Midoobey Oo Mar Kale Ka Hadley Dib u Dhaca Ku Yimid Doorashooyinka

0
45

Ururka Midowga Yurub ayaa ka hadlay dib u dhigidda doorashooyinka Soomaaliya, isagoo ka digay in doorashada mar kale dib loo dhigo, iyagoo sheegay in dib u dhac walba oo Doorashooyinka ku yimaada ay doorashooyinka ku sababi karaan carqalad.

Guddiga Doorashooyinka Federaalka Soomaaliya, ayaa toddobaadkii hore waxay sheegeen in doorashada dib loo dhigay muddo bil ah, iyagoo xusay in doorashada madaxweynaha ay dhici doonto 30-ka November 2016-ka.

Warbixinta ururka ayaa waxaa kaloo lagu yiri. “Soomaalidu waa bulsho si aad ah u dhawra dastuurka iyo shuruucda u yaalla, iyadoo doorashooyinka aysan baaqan doonin, Laakiinse waxaa loo baahan yahay inaysan mar kale dib uga dhicin 30-ka Bisha November 2016-ka, Maadaama doorashadu ay tahay mid indhaha lagu hayo.”

Dhanka kale, Qaramada Midoobay ayaa dhawaan sheegtay inay nasiib-darro weyn tahay in doorashooyinka Somalia dib looga dhigo muddadii lagu heshiiyay, laakiinse mas’uuliyiinta Soomaailda laga donayo inay sal u dhigaan doorashada sannadkan dhacaysa.