Amisom iyo Ciidamada Dowlada oo Maanta Gelinkii Dambe Howlgalo Ka Fuliyey Suuqa Bakaraha.

0
21

Ciidamada Dowladda Federaalka Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa maanta hawlgallo ka sameeyay suuqa bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, Waxaana hawlgaladan lagu soo qab-qabtay dad la sheegay in laga shakisan yahay.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Somalia C/kaamil Macallin Shukri oo SONNA ayaa sheegay in hawlgalladu ay ahaayeen kuwo qorsheysanaa ayna ciidanku kusoo qabteen saddex ruux looga shakisan yahay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin, isagoo intaas ku daray in howl-gallada lagu xaqiijinayay Amaanka Guud ee Muqdisho.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in in howl-galka ciidanku ka sameeyeen maanta Suuqa Bakaaraha uu yimid kadib markii laga war-helay xubno baadi-goob lagu hayay oo  ku sugan agagaarka suuqaas.

Si kastaba arintu ha ahaatee howlgaladan la shjeegey iney sameynayaan ciidamada dowlada iyo amisom ayaa intooda badan wax natiijo ah kasoo bixin taasoo dadka qaarkii ay ku fasireen in dadka lasoo qabanaya ay u badan yihiin dad maskiim ah halka dadka dambiya gestaana ay meeshey doonaan maraan.

Sida ay safaaraddeena iyo qareenada inoo xaqiijiyeen Dambiyada dhallinyaradan Soomaalida ah lagu haysto kuma jirto wax ay ciqaab dil ah ku muteysan karaan. Waxaana rajeynayaa in dadaalada socda ay mar dhow mira dhali doonaan.”