Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya oo Weydiistey Beesha Caalamka In Taageeraan Somaliya Inta Doorashada Lagu Guda Jiro

0
44

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM ) ayaa sheegay in ay beesha caalamka ugu baaqayaan in la taageero Soomaaliya inta ay socdaan doorashooyinka lagu wado in ay dalka ka dhacaan bilaha fooda nagu soo haya.

Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya , Francisco Madeira , ayaa sheegay in geeddi-socodka doorashada Soomaaliya aysan guul u noqon doonin kaliya Soomaaliya laakiin ay guul u tahay Midowga Afrika iyo beesha caalamka .

Francisco Madeira ayaa si weyn u qeexay in taageerada beesha caalamku ay tahay tilaabo loo baahan yahay ,sidaasi darteedna laga rabo in ay soo dadajiyaan waqtiga doorashada.

Francisco Madeira oo sidoo kale ah gudoomiyaha AMISOM ayaa sheegay in ay Al-Shabaab ka saareen magaalooyin badan ayna xasiliyeen amniga qeybo badan oo ka mid ah dalka, hadana ay taagan tahay dhibaatada Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay inta ay socoto doorashada Soomaaliya in ay si wadajir ah u wadashaqeyn doonaan ciidanka ammaanka Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa ka socda wadamada qaarada afrika ee howlgalka ka wada Soomaaliya.

Si kastaba arintu ha ahaatee beesha caalamka ayaa in mudo ahba ku mashquulsan arimaha dalka somaliya ayagoo ilaa iyo hadaba aan u heyn wax xal ah taasoo inta badan dadka indha indheeya siyaasada somaliya ay ku fasireen in dalka somaliya uu noqdey qandaraas lagaco badana lagu qaato xalinta dhibaatada ka taagan dalka somaliya.