Reysulwasaare Cumar Cabdirashiid oo Maanta Dalka Turkiga Ka Qeyb Galey Shirka Dalalka Islmaanka

0
33

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga uga qeyb galay shirweynihii dalalka Islaamka oo looga hadlayay kala qeyb sanaanta ka dhex jirta dunnida Islaamka. waxana kulankan martigeliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Rajab Tayyib Erdogan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo khudbad dheer ka jeediyey shirka ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Jamhuuriyadda Turkiga ee marti gelisay shirkan dalalka Islaamka, wuxuuna ka waramay hormarrada ay ku talaabsatay Dawladda Soomaaliya oo taageerro ka heleysa shacabkeeda.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay madaxda dalalka Islaamka ee kasoo qeyb-galay shirka, waxana ay ka wada hadleen waxyaabihii ugu danbeeyey arrimaha Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka dalalka Islaamka kala dhexeeya Soomaaliya.

Si kastaba arintu ha ahaatee kulamada ay yeeshaan wadamada islaamka ayaa inta badan waxba ka soo bixin balse weynu arki doonaan kulan waxa kasoo baxa.