Dhalinyaro Aan Weli Tiradooda La Xaqiijin oo Dooni Kula Degtey badda Mediterranean-ka

0
93

Warar ka imanaya dalka Masar ayaa sheegaya in doon ay saarnaayeen in ka badan 400-qof oo tahriibayaal ah oo ka tagtay dalka Masar ay ku dagtay badda Mediterranean-ka, iyadooaan la ogeyn illaa hadda tirada dhimashadu inta ay le’eg tahay.

Safaaradda Somalia ee Masar ayaa xaqiijisay in doontu degtay, balse aan la ogeyn tirada inta dhimatay, tirada ay Soomaalidu ka yihin. Tahriibayaashan ayaa la sheegay inay ku socdeen dalka Masar.

Turjubaan Somali ah oo ku sugan dalka Giriiga oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in 41-tahriibe oo Somali ah la badbaadiyay, maanta la billaabay in la raadiyo maydadka.
Baraha ay Bulshadu ku xiriirto, ayaa lagu baahiyay Sawirrada dhallinyaro la sheegay inay ka mid ahaayeen kuwii ay doonidan la dagtay, kuwaasoo aan la ogeyn illaa hadda inay dhinteen iyo inay nool yihiin.

Ma aha markii ugu horeysey oo ay dhacdo masiibadan oo kale tan iyo intii uu dagalka sokeeye ka bilowdey dalka ayaa inta badan dhalinyarada waxaa ay ku dhamaadeen badaha ayadoo ilaa iyo hada xukuumada iyo kuwa isku sheega iney yihiin maamul goboleedyo xal u layihiin sidii dhalinyaradan usiin lahaan fursad ay wadankooda ku joogaan.