Degmada Afgooye oo Habeenkii Seddexaad Mugdi Ah

0
131

Warar inaga soo gaaraya degmada afgooye gobolka shabeelaha hoose ayaa sheegaya in habeekii seddexaad magalada ay mugdi tahay kadib kolkii matooradii dabka siinayay magalada qarax lagula beegsadey habeenimadii sabtida ee nasoo dhaafey.

Qaraxan lala beegsadey matooradii dabka siinayey degmada afgooye ee gobolka shabeelaha hoose ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala gedisan ayadoo wararka qaar ay sheegayaan in qaraxa ay ka dambeeyeen dhalinyaro careysan oo deegaanka kasoo jeeda kuwaasi oo maalimihii ugu dambeeyey dhaqdhaqaaq ay ku diidan yihiin dulmiga ka jira gudaha degmada afgooye ay ka wadeen hareeraha iyo gudaha magalada halka wararka qaarna ay sheegayaan in kooxo ganacsato ah ay isku hayaan dabsiinta magalada.

Shirkada Danab Electric Company oo marka lasoo gaabiyo loo yaqaan “DECO”  oo aheyd shirkada siisa korontada degmada afgooye oo haatana matooradeeda ay yihiin kuwii la qarxiyey ayaa ilaa iyo hada wax war ah kasoo saarin qaraxa lala beegsadey matooradooda oo sababey in qeyb ka mid ah degmada afgooye ay habeenkii seddexaad mugdi ku jirto iyo weliba cida ka dambeysey midna.

Dadka ku nool degmada afgooye ayaa dhankooda ku waramaya in qaraxyada loo geystey shirkada konrronta Danab Electric Company ay imaaneyso xili nabad gelyada degmada afgooye gaartey heerkii ugu xumaa ebed, Si kastoo loo dhigaba falalka qaraxyada iyo dilalka ka dhacaya guud ahaan gobolka shabeelaha hoose gaar ahaan degmada afgooye ayaa wexey yihiin kuwo ka dhashey dhibaatada maleeshiyo beeleedyada hubeysan ee kasoo jeeda beelaha hawiye ay ku hayaan guud ahaan dadka ku nool gobolka shabeelaha hoose gaar ahaan degmada afgooye.