War Deg Deg Ah Gaari Ay wateen Qaar Ka Tirsan Shaqaalaha Ka Shaqeeya Cisbitaalka Turkiya ee Magalada Muqdishoo oo Goor Dhaweyd La Xabadeeyey

0
45

Kooxo hubeysan ayaa goor dhaweyd rasaas ku furey gaari ay wateen shaqaale ka tirsanaa shaqaalaha isbitaalka DEVA oo ah Isbitaal uu Turkigu ku leeyahay Magaalada Muqdisho kaasoo la sheegey in ay ku dhinteen laba turki ah iyo seddex somali ah.

Weerarkan oo ka dhacay inta u dhexeysa fagaaraha Tarabuunka iyo Safaaradda uu Turkigu ku leeyahay Muqdisho oo kawada tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir, ayaa waxaa geystay koox hubeysan oo la sheegayo inay wateen gaari caasi ama Mini-bus ah, kuwaasoo dilka kaddibna baxsaday.

Sidoo kale, Weerarkaan ayaa waxaa lagu dhaawacay afar qof oo kale oo iyagana ka mid ah shaqaalaha Isbitaalka DEVA ee Muqdisho. Iyadoo kooxaha Weerarkaan ka dambeeyay aan la garanayn cid ay ka tirsan yihiin iyo sababta ay dadkan u laayeen.

Mid ka mid ah shanta qof ee la dilay ayaa la sheegay inuu ku dhintay Isbitaalka markii loo geeyay qaab dhaawac ahaan ah, waxaana dadka la dilay ka mid ahaa darawalkii gaarigii ay wateen shaqaalahan Turkida iyo Soomaalida isugu jiray, inkastoo aan la ogeyn halka ay ka yimaadeen iyo halka ay ku socdeen.