Dagaalo Ka Dhacay Magalada Dhuusa Mareeb oo Ay Ahlusuna Guulo Ka Sheegteen

0
26
IM00
IM00
IM00

Ugu yaraan Afar Ruux ayaa la sheegayaa inay ku Naf-waayeen, tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen, kaddib dagaal culus oo muddo Saacado ah ka socda bartamaha Magaalada Dhuuso-mareeb ee Xarunta Gobolka Galguduud, kaasoo u dhexeeya xoogagga Ahlusunna Waljamaaca iyo ciidammo uu horkacayo Sarkaal Liibaan Madaxweyne lagu magacaabo oo horay ugu biiray Ururka Ahlusunna.

Wararka ayaa waxay sheegayaan inuu dagaalkani sii xoogeysanayo saacadba – saacadda ka dambeysa, ayna gaarayaan Dhuuso-mareeb ciidamo gurmad ah oo labada xhinac xoojinaya kala socda, taasoo xoojinaysa baqdin laga qabo in dagaalku daba-dheeraado.

Sidoo kale, wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalka oo billowday xalay saqdii dhexe uu ka billowday go’aanno ay Ahlusunna uGu diiday Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya in ay booqdaan Magaaladaas, taasoo ka careysiisay Sarkaalka Hoggaaminaya ciidamada kula dagaalamaya Ahlusunna Waljamaaca degmada Dhuuso-mareeb.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamul-goboleedka Galmudug oo warbaahintu wax ka weydiisay in dagaalkaan ay ku lug leeyihiin iyo in kale, ayaa sheegay in ciidamadooda ay ka yihiin qayb ciidamada dagaalamaya gudaha Dhuuso-mareeb, ayna inta badan magaalada iyagu gacanta ku hayaan.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin Dagaalka, inkastoo Wararku ay Sheegayaan in Sarkaalka ay dagaallamayaan Ururka Ahlusunna uu DF Soomaaliya la leeyahay xiriir aad u dhow.