Dhegayso..Shacabka Afgooye oo ka banaanbaxay Afgambi maamulka Shariif uu ku sameeyay maamulkooda.

1
42

mnbMadaxweynaha maamulka Maafiyada ah ee KoonfurGalbeed Shariif Xasan ayaa waxa uu maalintii shalay Afgambi uu ku sameeyay gudoomiyaha maamulka degmada Afgooye Cabdiqani Yuusuf Axmed,
Afgambigan oo ahaa mid qorshaysan ayaa waxaa qayb ka ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Fedraalka Xubnaha ugu ah beesha Geledi,Wasiirka Howlaha guud Saalah Sheekh Cismaan,Taliye Xigeenka Nabadsugida DF Mayoow,Madaxda Ciidamada Isbaaroolayda Tuutaha dowlada ku labisan ee Beesha Abgaal,Madaxa Maacuunta Gobolka Shabeelaha hoose Ibraahin Aadan Cali iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka Maafiyada Shariif Cabdiraxmaan Aadan Sate.

Xaflad yar oo kooban ayna kasoo qaybgaleen sagaal nin oo qaab Isaabaad u habaysan ayna kala ahaayeen Wasiir Sate,Maacuunle Ibraahin Garaawo,Lix xubnood oo saraakiisha Isbaaroolayda beesha Hawiye iyo Awees Buulalow ayaa waxay isugu sheegeen in xilkii ay ka qaadeen gudoomiyihii degmada Afgooye ayna magacawdeen mid kale iyadoo labada gudoomiye aan midna meesha lagu arag.

Hadaba kolkii uu warka Afganbigu dibada u soo baxay ayaa waxaa ka dhiidhiyay Shacabka Afgooye oo ku mudaaharaaday Kooxdan Maafiyada ahayd ee sagaalka xubnood ka koobnaa ee sida dhuumaalaysiga ku yimid Afgooye.

Banaanbaxayaasha ayaa sidan yiri

Ku dhegayso Moobilkaaga

Si kasta oo loo dhigaba Afgambigan maamulka Maafiyada ah ee Shariif ay ka sameeyeen degmada Afgooye ayaa waxa uu salka ku hayaa dhaca Canshuurta degmada,Amni xumo,Isbaaro iyo Musuqmaasuq baahay oo ay wadaan shaqsiyaad aan u dhalan degmada oo Shariif uu Dekerootooyin ugu soo magacaabay degmada kuwaasi oo uu gudoomiye Cabdiqani ka hor yimid.

1 COMMENT

  1. reer afgooye ama reer shabeelada hoose oo dhiig isku yeelin oo is abaabulin dhibaato kama dhamaanayso waligooda wana ku ciribtirmaayaan wahey rabaan bes 50 nin oo arbushaat ku sameeya mooriyanta dhulka shabeelada hooose jooga wsc

Comments are closed.