Turkish Airline oo Maanta Duulimaayadeedii Ay Ku Tegi JIrtey Dalka Somaliya Dib u Bilowdey

0
25

turkish airlineDiyaarada Turkish Airline ayaa maanta kasoo Dagtay Garoonka Diyaaradaha Aden Adde ee Muqdisho, kaddib Muddo Laba Toddobaad ku dhow oo aysan soo Cago-dhigan, markaasoo ahayd markii Qarax uu ka dhex-dhacay Diyaaraddii DAALLO Airlines oo Muqdisho ka duushay kuna socotay dalka Jabuuti.

Xamuul iyo Rakaab ay kasoo qaaday magaalada Istanbuul ee Turkiga ayaa la sheegay inay Diyaaraddu waday, iyadoo Duulimaadka ay maanta Muqdisho ku timid lagu sheegay inuu ahaa mid lama filaan ah.

Yahya Ustun oo ah afhayeen u hadlay Shirkadda Turkish Airlines ayaa horay u sheegay in diyaaradoodu ay u baajisay duullimaadyadii ay Garoonka Muqdisho ku tegi jiray cilimada ama hawada uu xumayd awgeed. Isagoo aan bixin Faah-faahin intaas ka badan.

Afhayeenka ayaa Turkish Airlines ayaa ka gaabsaday su’aalo ay weydiisay VOA-da oo ku Saabsanaa, in ay wax kala socdaan Qaraxii lagu Weeraray Diyaaraddii Daallo Airlines iyo inay baaqashadoodu la xiriirto ammaan-xumo ay dareemeen.