Xeer Ilaaliyaha Guud oo Eedeyn Usoo Jeediyey Dowlada Kenya

0
34

xeer-ilaaliyeXeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Dahir ayaa ku eedeeyay dowladda Kenya inay qorsheynaysay inay is-hortaagto dacwaddii muranka Badda ee ay u gudbiyeen maxkamadda cadaaladda adduunka ee fadhigeedu yahay dalka Netherlands.

Axmed Daahir ayaa sheegay in Kenya ay gudbisay cabasho ah in Muranka kala dhaxeeya Somalia ee dhanka badda lagu dhameeyo wadahadal, isagoo xusay in Dacwadda haatan ay hor-taallo Maxkamadda, isla markaana aanu jirayn wax wadahadal ah.

Sidoo kale, Xeer-ilaaliyaha Qaranka, Dr. Axmed Cali Dahir ayaa sheegay inay ka go’an tahay in iyaga iyo dalka Kenya ay ku kala baxaan Maxkamadda Cadaaladda ee Heague.

Si kastaba arintu ha ahaatee xukuumadda Kenya ayaa sheegtay qaab wadahadal ah lagu dhammeeyo muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, taasoo muddo fog soo jiitamaysay.