Dhegeyso:- Ciidanka Deegaanka Beesha Biyamaal oo Kaashanaaya Ciidanka Amisom oo Alshabab Kala Wareegey Gacan Ku Heynta Degmada Marka

0
38

MarkaWararka ka imaanaya degmada marka caasimada gobolka shabeelaha hoose ayaa sheegaya in ciidamada deegaanka beesha biyamaal oo kaashanaaya ciidama amisom ay kala wareegeen gacan ku heynta degmada marka maleeshiyaadka xarakada alshabab oo in ka yar 24 saacadood gacanta ku heysey degmada marka.

Maalinimadii shaley ayey aheyd kolkii ay xarakada alshabab maleeshiyaad ka tirsan kala wareegeen gacank u heynta magalada cidamo beeleedka beesha hawiye ee ku labisan dareeska ciidamada xooga dalka kuwaasi oo hada firxadkooda isku aruursanaya deegaanka laanta buuro ee degmada afgooye.

Si kastoo loo dhiagaba weerarka beesha biyamaal oo kaashaneysa ciidamada amison ay ku galeen degmada marka ayaa waxaa uu aad ugu egyahay weerarkii beelaha dega degmada qoryooleey ay uga qabsadeen degmadooda xarakada alshabab kaxdib kolkii degmada qoryooleey ay ka carareen ciidamada beesha hawiye oo ku labisan dharka ciidamada xooga dalka soomaaliyeed.

Halkan hoose ka dhegeyso gudoomiyhii hore ee degmada marka Maxamed osmaan yariisow oo la hadley warbaahinta iyo Gudoomiyaha degmada marka Xasan Cameey.

Maxamed osmaan yariisow

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkaada

Maxamed osmaan yariisow Mobil