Xildhibaan Maxamed Omar Dalxa Oo Sheegey In Xabsiyada Dalka Ay ka Buuxaan dad Loo Awood Sheegtey

0
35

dalxaXildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo xildhibaanada baarlamaanka Somalia ka tirsan ayaa sheegay inay xabsiyada Muqdisho ay ka buuxaan dad badan oo maxaakiin ah, kuwaasoo uu xusay in loo awoood sheegtay.

Prof. Dalxa ayaa intaa ku daray in dadka qaarkood loo haysto kiisas ay galeen, halka kuwo kalena aanay wax dambi ah lahayn, laakiinse ay muddo badan xabsiga isaga jiraan, isagoo xusay in dadkaas ay u baahan yihii inay cadaalad helaan.

Sidoo kale, xildhibaanka ayaa sheegay in Muqdisho ay waayadan dambe aad ugu soo badanayaan dhulalka la kala boobayo, isla markaana la boobaayo hantida ay dadku leeyihiin gaar ahaan guryaha.

Xildhibaanka ayaa hadalkiisa ku daray in dadka inta badan dhibaatooyinka kala kulma dhul-boobka ay u badan yihiin kuwo masaakiin ah, isagoo xusay in marar badan la arkay qof rafcaan kasoo qaadanaya maxkamad degmo, halkii uu ka aadi lahaa maxkamadda gobolka iyo midd sare.