Nicholas Kay oo Ka Waramey Xaalada guud ee uu Dalka Ku sugan Yahay

0
109

kayErgayga Qaramada Midoobay ee Somalia, danjire Nicholas Kay ayaa sheegay in Somalia aysan haatan ahayn waddan guul-darreystay, ayna soo kabanayso, kaddib sannado uu colaado kusoo jiray.

Danjire Kay oo u warramayay Wakaaladda Wararka ee AP ayaa xusay in saddexdii sano ee lasoo dhaafay ay Soomaaliya kusoo laabanaysay xasillooni, inkastoo ay weli jiraan buu yiri howlo badan oo u baahan in wax laga qabto.

Kay ayaa intaas ku daray in xarakada Al-shabaab ee xiriirka la leh ururka Al-Qaeda aysan ku guuleysan inay wiiqdo hormarrada ka jira Soomaaliya, inkastoo uu haatan ka dhex-jiro kooxda muranno ku saabsan inay ISIS ku biiraan iyo in ay Al-Qaacida lasii joogaa, taasina walaac dhab ah oo jira.

Somalia ayaa burburtay sannadkii 1991-kii, markaasoo xukunka laga tuuray dowladdii uu millaterigu hoggaaminayay, iyadoo intii uu burburku jiray laga dhisayo Somalia dowlado KMG ah sannadkii 2000-kii illaa 2012-kii, markaasoo ay Somalia si dhab ah uga baxday xilliyadii dowladihii KMG ahaa.

Ergayga QM ayaa hadalkiisa raaciyay in geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya uu ku socdo horumar, hoggaamiyeyaasha Soomaaliyana ay si wanaagsan uga qayb-qaateen dib heshiisiinnadii dalka ka dhacay.

Dhanka kale, danjire Kay oo ka hadlayay doorashada madaxweynaha iyo baarlamaanka ee sannadka soo socda 2016 ka dhici doona Somalia ayaa sheegay inuu rajeynayo in madaxda dalka ay ix-tiraami doonaan muddada xilka la haynayo ee dastuuriga ah. Waxayna ballan-qaadeen inay doorasho dhacayso 2016-ka. Waxayna hoggaamiyeyaasha Soomaalidu ay ka wada-hadlayaan hadda nooca doorasho ee dalka ka dhicaysa.