Madaxweyne Xasan Shiikh oo Iclaamiyay halka caasimad u noqon doonto maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ,Xilkana ka qaaday gudoomiyihii gobolka Hiiraan

0
41

jawariWareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh ayaa waxaa lagu magacaabay gudoomiye uu yeesho gobolka Hiiraan kadib kolkii xil ka qaadis uu ku sameeyay gudoomiyihii hore ee gobolka hiiraan sidoo kale ayaa madaxweyne Xasan sheegay in caasimada Hiiraan Shabeelaha dhexe noqon doonto degmada BuulaBurde ee gobolka Hiiraan halka uu shirka maamul u samayntuna uu ka dhici doono magaalada jowhar isla markaana mudo 90 maalmood gudahooda uu maamulka tagi doono caasimadiisa magaalada BuulaBurde amaba Buulaay qofba siduu u yaqaano.

XEER MADAXWEYNE  LR. 87                                                                       TAARIIKH: 19/12/2015

MAGACAABIS GUDDOOMIYAHA GOBALKA HIIRAAN

 MADAXWAYNAHA J.F.S

MarkuuArkay    :  Qodobka  87aad, Xarafka ‘C’,  Qodobka 90aad, Xarafka ‘K’ iyo 99aad, Xarafka ‘G’ ee

Dastuurka J.F.S.

MarkuuArkay    :  SharciLr. 116 eesoobaxayOgosto 6, 2013 kunasaabsansharcigamaamullada

DegmooyinkaiyoGoballadadalka

MarkuuTixgaliyey : Soo jeedintaWasiirkaArrimahaGudahaiyoFederaalka Ref: WAG & F/XW/0281/15 ee

December 19, 2015 kunasaabsanxilkaqaadisGuddoomiyahaGobalkaHiiraaniyo Soo

jeedintaWasiirkaArrimahaGudahaiyoFederaalka Ref: WAG & F/XW/0282/15 ee

December 19, 2015 kunasaabsanmagacaabisGuddoomiyahaGobalkaHiiraan

MarkuuGarwaaqsaday : in ay jirto baahi loo qabo in Gobalka Hiiraan loo magacaabo Guddoomiye cusub iyada

oo waafaqsan qaabka dhisidda Maamullada Gobollada Iyo Degmooyinlkadalkasi ay

mustaqbalka u dhismaan Dowlad-goboleedyo Dastuurka waafaqsan

WAXA UU SOO SAARAY XEERKAAN:

Qodobka 1aad

Waxa xilka laga qaaday Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane Cabdifataax Xasan Afrax, waxaana mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) loo magacaabay in uu noqdo Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan

 Qodobka 2aad

Waxa uu Xeerkaan  u dhaqangelayaa si degdeg ah marka uu Madaxwaynuhu saxiixo, waxaana lagu soo daabici doonaa Faafinta Rasmiga ah ee Dowladda JFS.

MUQDISHO: 19/12/2015

Madaxweynaha J.F.S

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud