Gudiga Xalinta Qilaafaadka Dagaalka Ka Socda Gaalkacyo oo La Kulmey Odayaasha Labada Dhinac

0
26

GaalkacyoGuddigii heerka wasiir ahaa ee uu Ra’iisul wasaaraha Somalia u magacaabay xallinta colaadda degmada Gaalkacyo ayaa la kulmay wax-garadka labada dhinac, si ay ugu boorriyaan in xiisadda dagaal ee ka jirta degmadaas loo xalliyo.

Xubnaha guddigan oo ka kooban; wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, Cabdraxmaan Maxamed Xuseen [Odawaa], waisir u dowlaha madaxtooyada Mahad Maxamed Salaad iyo weliba taliyaha millateriga Somalia, Jen. Maxamed Aadan Axmed ayaa ku sugan degmada Gaalkacyo.

Qodobada guddigan iyo waxgaraka labada maamul ee Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa ka mid ah; sidii ciidanka isku hor-fadhiya gudaha degmada Gaalkacyo loo kala qaadi lahaa, loogana wada-shaqeyn lahaa nabadgalyada magaalada.

Sidoo kale, Ujeeddada wafdigaan ay u joogaan ayaa waxaa lagu sheegay; sidii ay u xoojin lahaayeen dadaallada Xukuumadda Somalia ay ku doonayso in xal deg-deg ah looga gaaro colaadda Gaalkacyo oo muddo isbuuc ka badan halkaas ka taagan.