Marxuun Danjire Cabdullaahi Xassan Maxamuud oo Maanta Lagu Aasey Magalada Muqdisho

0
59

AasAllaha u naxariistee waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu aasay Safiirkii dalka Somaliya u fadhin jiray dalka Masar Marxuum Cabdullaahi Xasan Maxamuud, oo meydkiisa laga soo dejiyay Magaalada Muqdisho.

Meydka Marxuumka ayaa waxaa Salaada Janaasada kula tukaday Magaalada Muqdisho, Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Xildhibaan iyo Wasiiro.

Marxuumka ayaa waxaa lagu aasay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo aaska ay ka qaybagaleen masuuliyiin fara badan oo dowladda ka tirsan.
Marxuum Danjire Cabdullaahi Xassan Maxamuud waxa uu ifka kaga tagay laba xaas iyo 8 caruur ah.