Ciidamo Ka Tirsan Alshabab oo Dhawaan Ku Biirey Kooxda Daacish Oo Xaley Weerar Ku Qaatey Ciidamada Puntland ee Ku Sugneyd Buuraha Galgala

0
43

shababCiidan ka tirsan ururka Al-shabaab, dhawaanna ku biiray kooxda Daacish/ISIS ayaa xalay weerar ku qaaday fariisimo ciidanka Puntland ku leeyihiin deegaanka buuraleyda ah ee Galgala, iyadoo intii uu socday iska-hor-imaadka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in xoogagga Al-shabaab ayaa madaafiic ku weerareen fariisimaha ciidamada Puntland, iyadoo kaddib dagaal fool-ka-fool ah ku qaaday ciidamada Puntland.

Al-shabaab ayaa sheegtay in dagaal toos iyo madaafiic ku qaaday fariisimaha ciidamada Puntland, ayna gudaha u galeen Buuraha Galgala, inkastoo aysan sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka.

Maamulka Puntland iyo Al-shabaab ayaa horay dhowr jeer ugu dagaallamay Buuraha Galgala, dagaalladaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan oo labada dhinac soo kala gaaray; inkastoo dowladda Puntland ay horay u sheegtay inay u baabi’isay Al-shabaabta Galgala.

Weerarradan ayaa imaanaya iyadoo bishii hore ay xoogag ka tirsan Al-shabaab ku dhawaaqeen inay ku biireen Daacish, taasoo ka careysiisay Al-shabaabta kale ee kasoo horjeeda in lagu biro Daacis.