Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya oo Maanta Ka Qeyb Galey Xaflad Lagu Soo Bandhigey Waxqabadka Ciidanka Miino Baarista

0
42

xasanMadaxweynaha dowlada federalka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad lagu soo bandhigayay waxqabadka ciidanka miino-barista booliiska Soomaaliya, taasoo lagu qabtay xarunta gaadiidka booliiska ee Muqdisho, isagoo dallac-siiyay qaar ka mid ah ciidamadaas.

Madaxweyne Xasan ayaa halkaas salaan sharaf kaga qaatay cutubyo ciidanka booliiska ka tirsan, isagoo salaanta kaddib khudbad ka jeediyay munaasabadda, taasoo uu si weyn ugu amaanay waxqabadka booliiska Somalia iyo horumarka ay ka geysanayaan sugidda amniga shacabka iyo kan dalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa xusay in loo baahan yahay in hay’adaha dowladda ay shacabka u soo bandhigaan waxqabadkooda si ay u kasbadaan taageerada shacabka ee ku aaddan dib u dhiska dalka.

Xasan Sheekh wuxuu intaa raaciyay in abaalmarinta ugu weyn ee ay heli karaan ciidamada ay tahay in la aqoonsado hawshooda geesinimada leh ee ay naftooda ugu hurayaan difaaca iyo u adeegidda Qaranka iyo nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, madaxweynaha Somalia ayaa xafladda kaga dhawaaqay hadal ay si weyn ugu farxeen ciidamada mina-baarista booliiska Somalia iyo xubnaha la shaqeeya ee ciidamada dembi-baarista booliiska (CID) oo min hal darajo la dalacsiiyay. Waxaana ciidamada mina-baarista ee sida gaarka ah u adeegsada eeyaha ayaa iyagana la dallacsiiyay min laba darajo.

Wasiirka Amniga Qaranka, C/risaaaq Maxamed Cumar oo isna halkaas ka hadlay ayaa ka warbixiyay hawlaha hay’adaha amniga Somalia iyo horumarrada ay ku tallaabsanayaan.

Taliyaha booliiska Somalia, Jen. Maxamed Sh. Xasan Xaamud ayaa isagana warbixintiisa ku xusay in dhawaan booliiska iyo maamulka gobolka Banaadir ay wadajir uga shaqeyn doonaan hawlaha dab-damiska, isagoo sheegay in dhawaan la furi doono xafiis gaar ah oo boolisku leeyahay, kaasoo qaabilsan tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta.