Dayaarado Habeenkii xaley Duqeymo Ka Geystey Deegaanka Baladu-amiin ee Gobolka Shabeelaha Hoose

0
28

diyaarad-milatryWararka inaga soo gaaraya laga Gobolka Shabellaha Hoose gaar ahaan deegaanka Beledu-Amiin ee ka tirsan degmada Wanlaweyn ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe la duqeeyay saldhig Xarakada Al-shabaab halkaa ku leeyihiin.

Wararka ayaa sheegaya in Diyaarado Dagaal oo la Aaminsan yahay in ay leedahay Dowladda Mareykanka ay Dhowr Gantaal ku dhufteen meel duleedka ka ah deegaanka Beledu-Amiin oo ay ku sugnaayeen Saraakiil ka tirsan Al-shabaab.

Duqeynta ayaa la soo warinayaa in ay ku dhinteen 8 ilaa 10 ka mid ah Saraakiisha Al-shabaab sida Wararku ay sheegayaan,iyadoo ay jirto Dhaawac intaa ka badan oo Duqeyntu ay Sababtay.

Deegaano u dhow dhow Beledu-Amiin ayaa laga maqlay duqeyntii xalay dhacday iyadoo dadka reer miyiga ay sheegeen in illaa saddex jeer duqeyntu ay dhacday.