25 Sano Kadib Safaarada Somaliya oo Maalintii Shaley Laga Furey Dalka Mareykan

0
23

safaradaArbacadii shalay oo Taariikhdu eheyd 18-ka November, 2015-ka, ayaa magaalada Washington waxaa xarigga looga jaray safaaradda Somalia ee dalka Maraykanka, iyadoo safaaraddu ay xirnayd ku dhawaad 25-sano.

Xafladda furitaanka safaaradda lagu taagay Calanka buluugga ah ee Soomaaliya, kaasoo laga suray qaybta sare ee safaaradda Somalia ee Washington. Safiirka Somalia ee dalka Mareykanka, Axmed Ciise Cawad ayaa waxaa xilkan safiirnimo ee loo magacaabay kaga horreeyay, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo dhowr bilood kaddib loo magaacabay ra’iisul waasaraha Soomaaliya.

Madaxdii iyo marti-sharaftii kasoo qayb-gashayna xafladda furitaanka safaaradda Somalia ee Washington waxaa ka mid ahaa; wasiirka arimaha dibadda Somalia, C/salaan Hadliye Cumar, wasiirro hore, xildhibaanno Soomaali ah, Senator Amy Klobuchar iyo Rep. Keith Ellison oo matalaya gobolka Minnesota, ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda ee u qaabilsan Afrika, Linda Thomas- Greenfield.

Sidoo kale, waxaa kasoo qayb-galay xafladda safaarado badan oo ka kala socday dawlado badan oo kala duwan iyo boqollaal dadweyne ah oo aad u faraxsanaa; kuwaasoo ka kala yimid gobollada Maraykanka iyo dalka Canada kuwaasoo u soo socdaalay inay ka qayb-galaan furitaanka safaaradooda.