Koodxa Xagjirka ee Daacish oo Sheegtey Falkii Arxandarada ahaa Ee Xaley Ka Dhacay Magalada Paris

0
42

parisUgu yaraan 128-ruux ayaa ku geeriyooday, iyadoo ay ku dhaawacmeen 180-qof oo kale qaraxyo ka dhacay magaalada Paris ee dalka Faransiiska, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan booliiska dalka Faransiiska oo warbaahinta kula hadlay maanta magaalada Paris.

Booliiska dalka Faransiiska ayaa hadalkooda ku daray in baasaboorka Suuriya laga helay dibadda garoonka Stade de France, halkaasoo ka mid ah goobihii lala beegsaday qaraxyada khasaaraha faraha badan geystay.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska, Bernard Cazeneuve oo isagana la hadlay Warbaahinta Sabtida maanta ah ayaa sheegay in xaalad deg-deg ah lagu soo rogay France, lana hakiyay isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Kooxda ISIS ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxyada iyo iska-horimaadyo daba socday oo lala beegsaday xalay lix goobood oo ku yaalla Paris, kuwaasoo in ka badan 128-qof ay natooda ku waayeen, iyadoo weerarkan lagu tilimaamay kii ugu xumaa ee Faransiiska ka dhaca muddo sannado ah.

Madaxweynaha dalka Faransiiska, Francois Hollande ayaa cambaareeyay weerarradaan ay kooxda ISIS ka geystay Paris, isagoo sheegay in weerarradan uu yahay mid ay ISIS kusoo qaadday dalka Faransiiska. Wuxuuna intaas ku daray inay yihiin kuwo laga soo abaabulay dibadda dalka Faransiiska.