Dhegeyso:-Xubnaha Baarlamaanka oo Maanta Meel Mariyey Qaraar Ka Dhan Ah Xadgudubka Keynka Ku Heyso Xududa Somaliyeed

0
24

xildhibaanKulankii maanta ay xildhibaanada ku yeesheen golaha Shacabka ayaa loogana doodayay qaraar qabyo ah oo ay soo diyaariyeen guddiyada arrimaha gudaha iyo dibadda Baarlamaanka Soomaaliya kaas oo ku saabsanaa Xad gudubka Kenya ay ka waddo xadka Soomaaliya ay la wadaagto.

Qaraarka ayaa ka kobnaa 5 qodob oo Xasaasi ah iyo 3 qodob oo baaq ah:-

1- in Kenya ay joojiso dhismaha darbiga si deg deg ah oo rasmi ah.

2- in Dowladda Kenya ay ka fogaato bur burinta iyo tir tiridda Sohdintii uu sameeyay Isticmaarka ee u dhaxeeyay Labada Dal.

3-in Dowladda Kenya ay ilaaliso xiriirka Walaaltinimo iyo saaxiibtinimo ee ku saleysan dersi wanaagga.

4- in la baajiyo xasaradaha iyo dhibaatooyinka ka abuurmi kara sii wadidda dhismaha darbiga sharci darrada ah.

5- si loo abuuro jawi ku dhisan kalsooni iyo is aaminaad,in muddo kooban gudaheed Dowladda Kenya Ciidankeeda kala baxdo guud ahaan Dalka Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu Baarlamaanka soo jeediyay 4 Qodob oo kale kuwaa oo iyana ahaa sidan:-

1- in Dowladda Soomaaliyeed ay weydiisatoUrurrada QM,Golaha Amaanka,Ururka Midowga Yurub,Jaamacadda Carabta iyo IGAD sidii ay gacan buuxda uga geysan lahaayeenbixitaanka Ciidanka Kenya iyo xoogaggii beddeli lahaa kaalintooda.

2- in Beesha Caalamka gacan ka geysato meel marinta qaraarkan Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

3-in Hay’adaha Dastuuriga ah iyo Maamul Goboleedyada ay ilaaliyaan ku dhaqanka Dstuurka iyo xeerarka kale ee Dalka ee la xiriira madaxbanaanida dhuleed,cireed iyo badeed Dalka Soomaaliya.

4- in la magacaabo Guddi isku dhaf ah oo ka kooban Baarlamaanka Federaalka iyo Xukuumadda ,kaas oo xaqiijiya fulinta iyo dhaqan gelinta Qoraalkan.

Gabagabada Kulanka ayaa waxaa la isku raacay in Sharci laga dhigo qaraarkan isla markaana Kenya lagula Xisaabtamo Sharcigaasi.

160 Xildhibaan ayaa ogolaaday in Qaraarkan laga dhigo mid sharci ah oo dhaqan galo, waxaa diiday oo ka hor yimid 2 Xildhibaan, mana jirin Xildhibaano ka aamusay.

baarlamaanka dowlada federalka

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkaada

baarlamaanka dowlada federalka mobil