Maddaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya oo Cambaareeyey Falkii Ay Maanta Alshabab Ka Geysatey Hotel Saxafi

0
20

xasan shMadaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii saaka lagu qaadey Hoteel Saxafi, wuxuuna u diray tacsi ehellada iyo qoysaska ay ka baxeen dadkii lagu dilay weerarka oo ay mas’uuliyadiisa sheegatay Al-shabaab.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri. “Waxaan idiin xaqiijinayaa in falalkan aysan ahayn mid ka dhigan in Al-shabaab ay dib madaxa ula soo kaceyso; balse cagsigeeda, waxaa falkani uu tilmaamaya sida xaaladda quusta ah oo soo wajahday kooxda Al-shabaab, taasoo maalinba tan kasii dambeysa u sii kordheyso. Waxaa xaqiiqo ah in kala qaybsanaani ay dhexdooda ka jirto. Ma ahan kuwo war u haya waxay u taagan yihiin iyo cidda ay hoos yimaadaan, iyagoo maciin biday inay dilaan muslimiin aan waxba galabsan, doonayana inay kusoo baxaan bogagga hore ee wararka caalamka.”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Qaranka ay hawl weyn qabteen, xaaladdana ay si buuxda ula wareegeen. “Ciidamadeena amniga ayaa xaaladda si buuxda gacanta ugu haya. Waxaa xigi doona oo la sameyn doono baaritaan qota-dheer oo lagu ogaanayo sida ay wax u dhaceen iyo sida loo sii horumarin karo sida ciidanka amniga ay uga jawaab celiyaan falalkan oo kale ah.”

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumiinta geeriyooday u duceeyay. “Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannada fardowsa ka waraabiyo inta dhimatay ee Al-shabaab ay laayeen. Sida ugu wanaagsan ee dadkaan naga baxay aan ku xusi karnaa waxaa weeyaan inaan dib u cusbooneysiino, isla markaana aan kordhino dadaalka aan ugu jirno inaan ka hortagno xagjirka inaanay si khaldan ugu baahin diinta Islaamka, iyagoo ujeeddadoodu uu yahay inay dadka marin habaabiyaan, burbur iyo xasuuqna u geystaan shacabka.