Mareykanka Oo Muwaadiyiinteeda Uga Digtey Iney U Safraan Dalka Somaliya

0
29

US FlagsWar ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta u dhashay Mareykanka hadii ay tagaan Soomaaliya aysan heli karin caawinaadii ay u baahnaayeen marka ay dhibaato la kulmaan.

Mareykanka ayaa wax safaarad ah ku laheyn Soomaaliya, marka laga reebo in si KMG ah Safaaradda Soomaaliya ay ugu shaqeyso magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Digniinta ka soo baxday Mareykanka ayaa lagu sheegay in xaalada amni ee Soomaaliya aysan wali aheyn mid xasilan, isla markaana ay jiraan weeraro ay geysanayaan Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa laga digay afduubyo ay damacsan yihiin waxa loogu yeeray Argagixisada, isla markaana qorsheynayaan inay dilaan ama afduubtaan dadka Ajnabiga ee Soomaaliya tagaya, taasoo aan tilmaameyn halis toos ah ku tahay muwaadiniinta Mareykanka.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa uga digtay maraakiibta Caalamiga ah in aysan u safrin biyaha Soomaaliya, iyadoo aanay la socon maraakiibta dagaalka ama ilaalo, waxaana warbixinta lagu sheegay inay wali jiraan halista burcad badeeda.