Ciidamo ka Tirsan Ciidanka Amisom ee Ku Sugan Dalka Somaliya oo Ka cabanaya Mushaar La,aan

0
24

amisom1Ciidamo ka socda dowlada Uganda oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaliya ayaanan qaadan wax mushaaraad ah bilooyin dhowr ah, sida laga soo xigtay xubno ka tirsan saraakiisha ciidamada.

Sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah oo kamid ah howgalka AMISOM, ciidamo ka socda dowlada Uganda qeybta 14 ayanan qaadan wax mushaar ah muddo sagaal bilood.

Dowlada Uganda ayaa Soomaaliya waxaa ka jooga ciidamo badan oo seddex qeyb kala ah Ugabag 14,15 iyo 16 kuwaasi oo lagu weeraray deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Korneyl Paddy Ankunda, afhayeen u hadlay ciidamada Uganda ayaa xaqiijiyay in ciidamada AMISOM aysan qaadan wax musharaad ah muddo shan bilood ah, lakiin waxaa la ogaadday in sagal bilood wax mushaar ah aysan qaadan ciidamada Uganda muddo 9 bilood ah.