Ciidamada Dowlada iyo Alshabab oo Ku Dagaalamey deegaano ka Tirsan Gobolka Baay

0
34

DagaalWarar aynu ka heleyno gobolka bay ayaa sheegaya in ciidamada dowlada iyo kuwa alshabaab ay ku dagaalameen deegaano hoos dhaca gobolka kaasoo geystey qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Deegaannaada ay dagaalladu ka dhaceen ayaa Qiyaastii 30-km u jira Degmada Diinsoor ee Gobalka Bay, kaddib markii Ciidamada Dowladda Somalia la sheegay inay weerarreen goobo ay ku sugnaayeen Xoogagga Al-shabaab.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in dagaallada xooggoodu ay ka dhaceen deegaannnada kala ah; Manaas, Makoon iyo Dhergo, iyadoo dagaalka kaddib la sheegayo in xaaladdu ay deggen tahay.

Wararka ayaa waxay intaas ku daraya in Dagaalladan oo shalay dhacay ay ku dhinteen in ka badan 8 qof oo dhinacyadii Dagaallamay ah, ayna sidoo kale ku Dhawacmeen dad kale oo aan tiradooda la ogeyn.