AKHRISO: Go’aanadii Ka Soo Baxay Kulankii Golaha Qurba Joogta Koonfur Galbeed Soomaaliya

3
35

SSDC-290x239Marka ay taariikhdu ahayd August 22 2015, waxaa shir iskugu yimid xubnaha Golaha Qurba-joogtada Koonfur Galbeed, Southwest Diaspora Congress,. Sidii caadada ahayn shirka waxaa ka soo qayb galay bulsho waynta reer Koonfur Galbeed Soomaaliya oo kala jooga 5-ta qaaradood ee aduunka sida Aqoonyahanada, Saraakiisha, Haweenka iyo Dhalinyarada.

Waxaa shirka marti ku ahaa Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Seddaxda Gobol Shariif Xassan Sheekh Aadan, dood iyo su’aalo badan ka dib, hadaan nahay golaha Qurbo joogtada Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaan go’aansanay inaan la wadaaggo dhamaan Shacbiwaynaha Koonfur Galbeed, waxaan kuwada hadalnay.

1. Madaxwaynaha Maamulka Seddaxda Gobol Shariif Xasan waxaa uu cadeeyay in isaga iyo Odayaasha Dhaqanka ay raali ka yahiin 10 Xildhibaan oo aan u dhalan Deegaanka inay ka mid noqdaan Baarlamaanka xulistiisu ay ka socoto Magaalada Baydhaba.

Jawaabta Ururka:

a) Hadaan nahay aqoonyahanada iyo indheer-garatada ka soo jeedo Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaan aaminsanahay in Soomaaliya guud ahaan iyo gaar ahaan Koonfur Galbeed ay maanta la gaaray in qolo kasta ay awood u yeelato inay xukunto goboladeeda, sida maamulada kale ee Soomaaliya. Sidaa awgeed ma qabno in dad lagu maslaxeeyo inay ka mid noqdaan degaan aysan asal ahaan ka soo jeedin. Waxaana ugu baaqeeynaa bulshowaynta Koonfur Galbeed Soomaaliya inay meel uga soo wada jeestaan dulmiga iyo cadaalad darada ka socota degaanadooda.

2- Madaxwayne Shariif Xassan Sheekh Aadan asagoo ka jawaabaayay su’aalaha ahayd dhibka ay ku hayaan isbaaroooyinka degaanadaas, waxaa uu sheegay inay jiraan isbaarooyin badan oo yaala gobolada Baay iyo Shabeelaha Hoose, waxuuna iska fogeeyay in isbaarooyinkaas uusan shaqo ku lahayn Maamulkiisa.

Jawaabta Ururka:

b) Waxaan ognahay hadaan nahay bulshada reer Koonfur Galbeed inay isbaarooyinka yaala Shabeelaha Hooose iyo guud ahaan 3 gobol ay mushkilad wayn ku hayaan shacabka reer Koonfur Galbeed, taas awgeed kuma aanan qancin jawaabta uuna siiyay Madaxwaynaha, anagoo og inay maamulkiisa ay qayb ku leeyihiin isbaarooyinka meesha yaala. Waxaan ugu baaqeenaa maamulka inuu waxka qabto arimaha la xiriirra isbaarooyinka si dhibka looga dulqaado bulshada danyarta ee degaanka ka soo jeeda.

3- Mar wax laga weeydiiyay dadka sida gardarada loogu xasuuqay Gobolada Bakool iyo Shabeelaha Hoose. Wuxuu sheegay Madaxwyne Shariif Xasan in sida loo buun buuninaayo aysan ahayn dadka lagu laayay Bakool, Shabeelaha Hoose iyo Baay.

Jawaabta Ururka:

c) Waxaan nasiib daro ah inuu maamulka dafiro mushkilada bani’adanimada ka baxsan ee xasuuuqa loo geesto dadka shacabka uu mas’uulka ka yahay, waxaa murugo ah in maamulka uusan marnaba ka hadlin dhibka loo geestay shacabkaas lagu gumaaday goboladaas. Taas awgeed waxaan canbaarenaynaa aamus’naata maamulka Seddaxda Gobol uu ka aamusan yahay xasuuqaan.

4- Wuxuu kaloo Madaxwaynaha ka hadlay inaysan awood u lahayn dhisida ciidanka degaanka, asagoo taas ku micneeyay dhaqaale la’aan awgeed, tasoo kaliftay inuu kula heshiiyo dadka aan degaanka u dhalan maamulka.

Jawaabta Ururka:

e) Waxaan aad uga xunahay in hogaanka Maamul inuu markasta isticmaalo awood la’aan haaysta dadka, tasoo aan u aragno inay niyad jabin karto shacabwaynaha Koonfur Galbeed, taas awgeed waxaan aaminsanahay in Bulshadaan ay awood u leedahay inay difaacdo jiritaankeeda iyo sharafkeeda sideey horey uga difaacday ayadoo intaan ka awood yar. Waxaan u sheegeeynaa in maamulka uu ku kalsoonaado awooda shacabkiisa si uu uga maarmo siyaasadiisa ku dhisan inuu markasta ku tiirsanaado dadkale.

Hadaan nahay qorbo joogada Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaan ugu baaqeeynaa shacabwaynaha ku abtisada inay diyaar u noqdaan ka qayb qaadashada Nabada iyo Dib u dhiska Goboladooda si ay umadaas u helaan isbadal Siyaasadeed oo samata bixiya shacabka.

Wa Bilaahi Towfiiq

Halku Dhigeena Waa MIDNIMO, AWOODSIIN IYO ISBADAL.

 

3 COMMENTS

  1. Salaan ka dib qurba joogta kg ilaa iyo hada lagama ogola inay ka mid noqdaan maamulka meesha waxaa haysta anigaa kaadi usoo cabay iyo kuwo la shaqeeya cid kastoo umadaas baabi inteeda Ku talineysa marka qurba joogey ma suaasheen qurba joog maxaa loo ogol yahay meel walboo soomaaliya maanta horumartey waxaa dib ugu noqday dadkii u dhashey marka suaalaha waxaa ka wanaagsan in koonto qurba joog ah oo maamulka ka qayb qaato la sameeyo sidi ii nebideey

  2. runahaantii waa nasiib daro inshariif wuxuu doono naga samaysto anaga hadaan nahay reer shabeelaha hoose oga laan mayno in shariif xubno been abuur ah ka aas aaso naguna beero hawiye dulmiloo ah
    dadka oo uu xubnaha u radinayo waa kuwii dilay dhacay dhibka hada ku wada dagmada afgooye dhaca hadii shariif iyo wasiiradiisa mirifle ku hayshiyeen boobka in ay ka qayb qaataan fowdada ogalaan mayno

  3. Shariif me eh maqaarsaarwa sidee lan la in kasaayni oo usuba ki leyo anni bariga dhaxaan kisoojeede!!!!!! Sidee madiwiine la inki dhikidi??????

Comments are closed.