Ciidamada Dowlada iyo Alshabab oo Xaley Ku Dagaalamey Deegaano Hoose Taga Degmada Afgooye

0
50

AfgooyeDagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada Dowladda Federaalka Somalia iyo kuwa Shabaab ayaa ka dhacay deegaano hoostagga Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose, kadib markii dagaalkaasi ay soo qaadeen Dagaalamayaal ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Xoogag hubaysan oo Shabaab ka tirsan, kana soo duulay Dhanka Degmada Awdheegle, ayaa weerar ku ekeeyay Tuulooyinka Caanoole iyo Mareereey oo duleedka Afgooye ah,waxaana Shabaab u suura gashay inay qabsadaan deeganadii ay soo weerareen.

Shabaab ayaa la wareegay gacan ku haynta labadaasi Tuulo ee Caanoole iyo Mareereey xalay markii dagaal ay uga saareen ciidamada Dowladda sida uu xaqiijiyay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelaha hoose C/fataax Xaaji Cabdulle.

Masuulkaan ayaa sheegay kolkii Shabaab ay qabsadeen tuulooyinkaasi, ciidanka dib ay isku abaabuleen oo ay ku noqdeen deeganadii Shabaabka ay qabsadeen, waxaana halkaasi dib ula wareegay ayuu yiri ciidamada Dowladda oo Nabad Suggid iyo Milateri isugu jira.