Qodobo Dhowr ah oo Kasoo Baxay Kulankii Hiigsiga 2016 oo Shaley Lasoo Gabagabeeyey

1
32

Shirkii hiigsiga 2016 ee beryahan ka socdey magalada muqdisho ayaa shaley lasoo gabagabeeyey ayadoo shirkaasi kasoo baxay dhowr qodob.

Shirka ayaa waxyaabihii la isla af gartay inay lagama maarmaan u yihiin gaarista 2016 oo ka kooban ku dhawaad 40 qodob waxaa goobta ka akhriyay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye Cumar.

Qodobada ka soo baxay shirka waxaa ka mid ahaa in la taageero maamul goboleedka Galmudug iyo Golaheeda Baarlamaanka, dib u dhiska hay’adaha dowlada iyo dar dar gelinta gudiga doorashooyinka dalka.

Waxaa kaloo la isla af gartey in guddiga doorashada arrimaha horyaala, dhameystirka federaalka, dardargelinta wasaaradaha dowlada howlaha ay u xilsaaran yihiin, Kabista iyo horumarinta waxyaabaha qabsoomay iyo dib u habeynta Garsoorka,

In dib u eegis lagu sameeyo dastuurka, iyadoo loo marayo hab sharciyeysan oo federal ah loona wada dhanyahay,hogaanka Soomaaliyeed iyo golaha sharci dejinta si loo gaaro qorsha mideysan oo doorasho sanadka 2016 ah, taasi oo hor seedeysa horumar,

Waxaa kaloo la isla gartay inay talaabo muhiim ah tahay dardar gelinta dhaqaalaha iyo kaalmada caalamiga ah iyadoo la marsiinayo bangiga dhexe ee Soomaaliya,lana tixraacayo sharciga 1989kii,kabista dhaqaalaha, dowlad wanaaga, iyo maamul baahinta,

Waxaa la isla gartay in Somalia aysan duruuftu saameyn in 1 qof iyo hal cod loo dareero bedelkeedana ay dalka ka dhici doonaan doorasho ka balaaran tii hore u soo martay wadanka waxaanan jiri doonin mudo kordhin marka uu dhamaado waqtiga dowladda federaalka ah waqtigeeda sanadka 2016.

1 COMMENT

  1. marka Hore waxaa muhiim ahayd in shirka ka dhoco caasimada somaliya taas oo cadeyn u ah in shirarkii Dowladaha deriska lagu khabanayey Dhamaatay.
    shirkan in khawsoma muhiimadeeda ayey Lahayd oo ah kushka shabsii wixii ku jiro ha soo baxaane waxaa meesha lagu cadeyey in aan jireyn wax la yirahdo waqti kordhin taas oo inta badan shacbiga somaliyeed walaac ka Qabeen
    Qabka iyo Gocaanada ka soo bexeen waa wax la soo dhaweyn karo wixii danta shacabka ku jirto

Comments are closed.