Kenya oo Sheegtey In Ay Dagaalyahano Alshabab ah ay Dishey

0
22

Dowlada Kenya ayaa sheegatay in weerar gaadmo ah oo ka dhacay Gobolka Xeebta ay ku dishay seddex ka tirsan dagaalyahanada Al-shabaab hubna ka furatay.

Afhayeen lagu magacaabo David Obonyo oo u hadlay Milatariga Kenya ayaa sheegay in weerarka uu ka danbeeyay ka dib markii dagaalyahanada Al-shabaab walxaha qarxa u dhigeen Kolonyo ay la socdeen ciidamada Malitariga Kenya oo marayay deegaanka Basuba oo ka tirsan dhulka Lamu.

Mr Oonyo ayaa xaqiijiyay intii lagu guda jiray weerarka ay Al-shabaab kaga dileen seddex askari halka kuwa kale iyagoo dhaawac ah qaarkood ay baxsadeen.

Sidoo kale,Kenya ayaa qiratay in weerar 5-askari kaga dhaawacantay,kuwaasi oo Labo ka mid ah dhaawacooda halis ah baxnaanana ay ku jiraan.