Madaxweynaha Dalka jabuuti oo Cambaareeyey Qaraxii Shaley Ka dhacay Hottel jaziira

0
23

Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa cambaareereyey qaraxii shaley ka dhacay hottel jaziira ee magalada muqdisho oo ay dad badani ku naf waayeen.

Madaxweyne Ismaciil Cumar Geele ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay weerarkaasi wuxuuna eebe uga baryey intii ku dhimatey in uu ilaahey janadii fardowsa ka waraabiyo intii ku dhaawacanteyna inuu ilaahey caafimaad deg deg ah siiyo amiin.

Weeraraada Al- Shabaab ay Magaalada ka fulinayaan ayuu ku tilmaamay mid Cabsi galin ah isla markaana shacabka lagu baqdin galinayo isagoo shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay la shaqeeyaan Ciidammadda ammaanka si falalkaas looga hortago.

Weeraradan alshabab ay jka fulinayaan magalada muqdisho ayaa ah kuwo soo noqnoqdey ayagoo bishii tagtey gudahood dad badani ay ku dhinteen weraradaas ayaa hadana laamaha amaanta weli ay joojin la yihiin weerarada alshabab ay ka fulinayaan magalada muqdisho.