War Saxaafadeed Ka Soo Baxay Dalladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Sweden

2
44

Taarikhda: 23 July 2015 Örebro, Sweden

Ujeedo: Xasuuq, Dhac baahsan iyo Barakac Oo ka Dhacay Gobolka Bakool

Shir deg deg ah oo dhinaca taleefonka oo ay isugu yimaadeen xubno ka tirsan Golaha Dhexe ee Dalladda Koonfur Galbeed Somalia ee Sweden xalay 22 Juli 2015 saacadda 19:30-21:40 oo ku saabsan dhibaatooyinka dilal wadareed, barakaca iyo dhaca hatida shacabka oo laga soo sheegay deegaano ka tirsan Gobolka Bakool, sida tuulooyinka Buurdhuxunle, Goobato, Wargaduudo, Buurcadey iyo aagaga u dhow oo ka tirsan degmada Waajid, iyo degmada Merka ee gobolka Shabeelaha hoose.

Shirkaas deg-dega ka dib, waxaa ka soo baxay go´aanada hoos ku qoran:

1. Dalladda waxa ay si xoog leh u cambaareyneysaa dhammaan warbixinada xaqiijinaayo in ay jiran dilal wadareed, dhac, gubid hanti iyo beero la gubay taas oo loo geestay shacabka degan tuuloyinka ka tirsan degmada Waajid ee Gobolka Bakool, sida tuulooyinka Buurdhuxule, Goobato, Wargaduudo, Buurcadey iyo aagaga u dhow iyo meelo kale.

Warbixino laga helay deegaanadaas ayaa waxaa ay sheegayaan in dadka la dilay aanay aheyn dad hubeysnaa oo dagaal ka qeyb qaatay, laakiin waxaa arinta dhacday ay aheyd dilal toos ah oo lala beegsaday dad shacab ah oo aan hubeysneyn oo ku sugnaa guryahooda ama beerahooda. Tirada dadka la dilay ayaa waxaa lagu qiyaasay 60-70 qofood oo Shacab ah oo isuga jira da’ walba rag iyo dumarba.

2. Warbixinada waxa ay sheegeen in masiibooyinkaas ay dhaceen intii u dhaxeysay 15-22 July 2015. Dadka shacabka ee la waxyeeleyey ayaa waxaa la sheegay in ay dadooda u dhaxaysay 10 – 60 jir. Dadka la dilay ama dhibaartada loo geeystay aya waxaa ku jiray caruur, dhalinyaro, haween iyo dad da’ah, ama dad isku qooys ah. Warbixinada laga helay aaga Buurdhuxunle ayaa waxa ay sheegeen in ay jiraan labo haween oo la dilay oo baabuur la marsiiyey oo sidaas ay ku dhinteeen!

3. Dhibaatoyinkaas kor ku xusan ayaa waxaa la sheegay in ay geesteen ciidamo ku hadla Afka Somaliga ee Maxaatiriga, oo ka tirsan ciidanka dowladda Eithiopia. Kuwaas oo marar dhowr ah, si joogta ah, dhac iyo dilar ka geestay aaga Buurdhuxunle iyo Rabdhuure ee degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

4. Dalladda waxa ay u soo jeedinaysaa in Maamulka Gobolka Bakool, Dowlad Goboleedka Koonfur Galabeed Somaliya, Maamulka Dowladda Somalida ee Ethiopia, Dowladda Federalka Eithiopa iyo kan Dowladda Federalka Somaliya, in arintaan loo sameeyo gudi madax banaan oo baara dhibaatooyinka loo geeystay shacabka Bakool oo isugu jira dilalka baahsan, dhaca hangtida, iyo barakicinta lagu hayo dadka ku nool tuulooyinka hoos yimaada Waajid ee Gobolka Bakool.

5. Dalladda waxaa kale oo ay cambaareyneysaa dhacdadii dilka oo dhacay maalintii 21 July 2105 oo la sheega in Ciidamo ka tirsan AMISOM ay ku laysay dad shacab ah deegmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dalladda KGS Sweden waxa ay ka codsaneyso Maamulka Shabeelaha Hoose, Dowladd Goboleedka KGS, iyo Tan dowladda Federalka Somaliya in aritaan loo diro gudi madax banaan oo goaan ka gaara dhibkii ka dhacay Degmada Marka. Islamakaasna dadkii dambigaas lahna cadaaladda la hor keeno.

6. Dalladda waxay ay ugu baaqeysaa dhammaan xubnaha ka tirsan Dalladda Koonfur galbeed Somaliya ee Sweden iyo dadka kale ee Somalida in loo howgalo sidii dadka ku taabaleysan gobolka Bakool, gaar ahaan aaga Degmada Waajid loo caawin lahaa. Waxaa la soo sheegay biyo laan iyo cunto yari ka taagan tuulooyinka ay dhibaatada ka dhacday. Caruur iyo dad badan ay ku dhibateysanyihiin goobaha ay masiibooyinka ka dhaceen.

7. Dalladda waxa kale oo ay magacayday gudi gaar ah oo arimahaan xasuuqa iyo barakicinta ka wax ka qabto. Dalladda waxaa kale oo ay isku raacday in tirakoob lagu sameeyo dadkii wax ku noqday dilalkaas iyo dhaca baahsan ee dhinaca hantida iyo beeraha ee soo gaaray dadka shacabka ah si loogu gudbiyo Hay’adaha xaquuqul-insaanka iyo kuwa caalamka. Liiska iyo magacyada dadka lagu laayay aaga Buurdhunle iyo Goobato waxaan idin doo gudbin doonaa maalmaha soosocda.
Gudiga ay Dallada KGS magacaawday arimahaas kor kuxusan waxaa ka mid ah:

1. Mustafa Ahmed, Gudoomiyaha Gudiga
2. Abdifatah Roble, Xoghayaha Gudiga
3. Naciimo Isaaq , Xubin
4. Zahra Mohamed Nuur, Xubin
5. Mubarak Haji Ibdow Libaan, ledamot
Mubarak Haji Ibdow Libaan, Xubin

Mahadsanidiin.

Abdulkadir Abukar Sheikh
Gudoomiyaha Dalladda KGS Sweden
E- Mail: sydvast.somaliska@outlook.com
website: www.sydvastsomaliska.org

c/o Föreningarnas Hus
Slottsgatan 13 A
703 61 , Örebro
Sweden

2 COMMENTS

  1. aad baad u dadaaleysaan rer swedan gaar ahaan jaaliyada k/galbeed..waadna ku mahadsan tihiin haqada aadu heysaan shacabka deegaanka..

  2. run ayaad ka sheegteed arintaan ee ku dara Degmada Labatunjerow iyo Dolondoole iyo keymaha kale ee lagu xasuuqey dadka lana dhacey hantidooda
    mahadsanidi

Comments are closed.