War Deg Deg ah Alshabab oo Weerar Ku Qaadey Laba Hottel oo Ku Yaala Magalada Muqdisho

0
24

breaking nXilligii anfurka ayaa mar qura qeybo ka mid ah magaalada Muqqdisho waxaa la maqday qaraxo iyo rasaas is xig xigay,kuwaasi oo argagax ku abuuray Shacabka Muqdisho oo markaasi afka furay.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in qaraxyada la maqlay lagu weeraray qaar ka mid ah Hotelo ku yaalo magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada Maka Almukarama, waxaana Hotelada la weeraray ka mid ah Hotel Siyaad oo aan ka fogeyn xarunta madaxtooyada Soomaaliya iyo Hotel Wehliye oo ku yaalo Wadada Maka Almukarama.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya qeybahooda kala duwan oo ay kaabinayaan Cutubyo ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa gaaray xarumaha la weeraray.

Ilaa iyo hada lama oga qasaaraha ka dhashay qaraxyada iyo rasaasta la maqlay Muqdisho.