Qarax Maanta Ka Dhacay Degmada Kaaraan oo Ay Shacab Waxyeelo Kasoo Gaartey

0
29

qaraxQarax maanta ka dhacay degmada kaaraan ayaa waxaa uu geystey qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Ilaa iyo hada inta la ogyahay qaraxan waxaa ku dhintey 3 ruux dhaawacana waxaa la sheegey in uu marayo ilaa iyo 5 ruux.

Goobjoogayaal ku suganaa halka uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid gaari miino lagu soo xirey kaasoo uu dhaawac kasoo gaarey darawalkii wadey gaariga, Iyadoo dadka dhintay iyo kuwa kale ee dhaawac-mayna ay ahaayeen shacab goobta ka dhawaa.

Qaraxyada lagu xiro Gaadiidka ayaa kusoo kordhayay Muqdisho, Waxaana maalin ka hor ay ahayd markii gaari lagu soo xiray Qarax uu ka dhacay degmada Xamar-jajab kaasoo uu ku dhaawacmay darawalkii watay.