Faahfaahin Kasoo Baxeysa Weerar Ay Xaley Alshabab Ku Qaadey Xaruntii Akadamiyadda Kismaayo

0
33

kismaayoCiidamada Ururka Al Shabaab, ayaa waxaa habennimadii xalay ay weerar culus ku qaadeen Xaruntii Akadamiyadda Kismaayo, oo qiyaastii 9km u jirta Xarunta Madaxtooyada Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka oo bilowday 10-kii caweysnimo, ayaa soo gaaray 1-dii habeenimo, waxaana si buuxdo halkaasi ula wareegay mintidiinta Al Shabaab, ka dib dagaal hubka noocyadiisa kala gedisan leesku adeegsaday.

Shabaabka, ayaa sidoo kale waxay dagaalka ku qabsadeen hub ay lahaayen Ciidanka Jubbaland. Dhanka kale lama garanaayo khasaaraha dhimashada iyo dhaawacaba ee labada dhinac ka soo gaaray dagaalka.

Si kastaba arintu ha ahaatee howlgaladan ay fulinayaan alshabab ayaa ahyed howlgalo ay horey u shaaciyeen ayagoo sheegey in bisha barakeysan ee ramadaan ay howlgalo badan qadan doonaan.