Dhegeyso:- Ahlusuna oo Manta Shir Maamul Loogu Sameynayo Gobolada Dhexe Ka Furtey Dhuusamareeb

0
21

ahlusunaMaamulka Ahlu suna ee gobolada dhexe ayaa shir maamul loogu sameynayo Shacabka ku dhaqan gobolada Mudug iyo Galgaduud ka furtay maanta magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Mid ka mid ah Saraakiisha Ururka Ahlu suna oo ka hadlay madasha furitaanka shirka ayaa sheegay in micnaha shirka Dhuusa-mareeb uu yahay sidii maamul mideysan ku heli lahaa Shacabka Gobolada dhexe degan.

Shirkan ayaa waxaa uu noqonayaa mid kasoo horjeeda shirka kale ee ay dowladu ka wadomagaalada Cadaado ee xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb kaasi oo maamul loogu sameynayo gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Ahlusuna