Ciidamada Deegaanka Deefow iyo Boliska Liyuu oo Ku dagaalamey Deegaanka Deefow

1
104

DagaalDagaal ayaa maanta ayaa mar kale ka qarxay deegaanka Deefow iyo tuulooyinka hoos taga dagaaladaas oo geystey dhimasho iyo dhaawac, Inta la ogyahay ilaa iyo hada waxaa ku dhintey 9 ruux halka dhaawaca uu kor u dhaafey 11 ruux.

Dagaalkan ayaa la sheegayaa in uu u dhexeeyo ciidamada deegaanka iyo kooxo dhul balaarsi ku haya deegaanada somaliyeed oo lagu magacaabo  Liyuu Booliiska oo kasoo jeeda somalida degto deegaanada dalka itoobiya.

Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalka ayaa la soo gaarsiiyay isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne oo lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad.

Dhinaca kale wararka naga soo gaaraya xadka gobolka Galguduud uu la wadaago Itoobiya ayaa sheegaya in uu socdo dagaal culus oo u dhaxeeya maleeshiyo beeleed iyo Ciidamada Liyuu Booliiska Itoobiya oo maalmihii ugu danbeeyayba halkaa ku dagaallamayay.

Si kastaba arintu ha ahaatee tan iyo intii ay dawlada itoobiya bilowdey iney kala qeybsio dalka somaliya ayaa waxaa bilowdey in kooxahan ay kusoo duuleen deegaano badan oo ka tirsan dalka somaliya ayadoo meelaha qaarkood ay kala kulmeen iska caabin halka gobolka bakoolna ay si xad dhaaf ah usoo galeen taasoo ilaa iyo hada aysan jirin cid ka hadashey

1 COMMENT

Comments are closed.