Ciidamada Amisom Iyo Kuwa Dowlada Federalka oo la Wareegey Deegaanka Toora-Toorow

2
84

amisomCiidamada Dowladda federalka Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa saaka aroortii hore la wareegay gacan ku heynta deegaanka Tooro-Toorow ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo saldhig u ahayd Al-shabaab.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in Al-shabaab intii mudaba ay u ahayd Toora-Toorow saldhig ay uga duulaan deegaanada kale ee ay ciidamada dowladda Somalia ku sugan yihiin.

Al-shabaab ayaa la sheegay in degmada Sablaale kaliya ay ku hartay gacantooda, iyadoo inta badan deegaanada Shabeellada Hoose ay gacanta ku hayaan ciidanka Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM.

Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegayaa inay isku diyaarinayaan sidii ay duullaan ballaaran oo ku wajahan deegaannada Gobolka Shabeellada Hoose iyo kuwa kale ee dariska la ah.

2 COMMENTS

  1. Ugus waa laga saarey meesha waxaa la wareegey waa ugus kale waa Isla meeshee weeye isbaaro cusub Iyo baad Iyo mooryaanta labisan dareeska eedanka militariga in ay dhibaateeyaan dadka shacabka ah am ay u galaan wadooyenka. Labadaba waa ugus!!!!!

Comments are closed.