Ciidamo Beeleedyadii Ku Labisnaa Dareysa Ciidanka Dowlada oo Isaga Soo Cararey Deegaanka Janaale

4
38

tiyeeglowCiidammo ku labisan dareeska dowlada dowladda Soomaaliiya oo u shaqeynayey qaab beeleed dhibaato xoogana ku hayey dadka deegaanka janaale ee shabeelaha hoose ayaa la sheegay inay isaga baxeen deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo la sheegay inay deegaankaas ka jirto xaalad kacsanaan ah.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay shalay gellinkii dambe illaa xalay isaga baxayeen deegaankaas, waxaana dadka deegaanka sheegeen in deegaanka aysan wax ciidamo ah ku sugneyn haatan.

Jannaale oo ah dhul beeraley ah ayaa waxaa ka taaga xiisado u dhexeeya dadka deegaanka iyo kooxo sheeganaya iney yihiin ciidanka dowlada isla markaana qaab beeleed isku soo urursadey.

Si kastaba arintu ha ahaatee gobolka shabeelaha hoose ayaa ah gobol ay dhibaato weyn ku hayaan koxo kasoo kicitimey gobolada kale si ay xoog ugu qabsadaan beerahoodana ula wareegaan.

Illaa hadda lama oga sababta ay ciidamada dowladda Somalia uga baxeen Jannaale; sidoo kalena kama aysan hadlin saraakiisha ciidamada sababta ay uga baxeen ciidamada dowladda deegaanka Jannaale.

4 COMMENTS

  1. DADKEYGOOW-DIGIL IYO MIRIFLE U KACA KACDOONKA DHULKIINA MOORYAAN ILAAHEY-IYO DIINA AQOONIN EE BARTEY DHIIGA DAD KORKIISA INEY KU NOOLAADAAN RABA XALAAY IYO XARANAN KALA BAXSANEYN EE U KACA XAQIINA MEESHANI DOWLAD KAMA JIRTO DHULKEENA DIFAACIISA WAA WAAJIB EE GUUSHANA WA XAGIINA MAR WALBO XAQA AYAA IDIIN HIILIN DOOONO-GUUELYSTA WELIGIIN QOF WALBO DHULKAASI DEGEN QORIGA QAATA EE WUXUUSHTAN OO CAADEYSATEY INEY BOOB U TAAGNAADAN EE KU CELIYA DHULKOODA SI QASAB AH ILAAHEY BAA IDIIN GARAB TAAGAN.

  2. WAXAAN IDIN LEYAXAY IN AY YIXIIN CIIDAMO BEELEED WAX KALE UMA SOO BIXIN SIDA ANIGA ILA TAXAI GURMAD INAY U SOCDAAN MEEL KA MID AH SHABELLADA HOOSE EE HA LIYSKA CAABIYO YAAN BEEL KALIYA LOOGA FIIRSANIN.
    WAXAAY U BARTEEN MAALIN WALBO BEEL ISU TAAGAAN, DAD XAQ DARRO KU SOCDO MA GUULEYSANAYAAN. MA WAANO QAADANAYAAN

  3. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    Ku:ciidamada xaq udiridka,xuriyad doonka ah,ka digtoonow ka bixitaanka waa xeelad dagaal,wararka ka imaanaya bulosheik iyo haduman ayaa sheegayaa in ay isku urursanaayaan degmada Qoryooley dhinaca ay ka haystaan,iyagoo ka sugaaya gurmad iyo saanad dhanka farsooley,maadaama ay xirmeen wadooyinka dhanaane,lambar khonton iyo malable,awdheegle.

Comments are closed.