Gudoomiyaha Gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow oo Maanta Booqdey safarada Somalida ee Ku Taala Dalka Turkiga

0
44

cabdi hosowGudoomiyaha gobolka Baay ayaa booqasho waxaa uu ku tegey dalka turkiga halkaasoo uu u tegey shaqo la xirirta sidii uu u horumarin lahaa gobolka baay.

Gudoomiyaha ayaa waxaa uu booqasho ku tegey safaarada somalida ay ku leedahay dalka turkiga halkaasoo si diiran ay ugu soo dhaweeyeen danjire Maxamed Mursal iyo Xoghayaha koowaad ee Safaarada Soomaaliya ee Dalka Turkey Abduqadir Maxamed Nuur (Jamac) ayaa labaduba waxay si diiran ugu soo dhoweeyeen Safaaradda Md Hossow.

Hoosow ayaa waxaa uu aad uga mahad celiyey soo dhoweynta ay u sameeyeen Madaxda Safaarada Soomaaliya ee waddanka Turkey.

Gudoomiyaha ayaa sheegey in maalmahan soo socda uu ku sugnaan doono dalka turkiga halkaasoo la filaayo in uu kulamo gooni gooni ah la yeesho madaxda dalka turkiga si uu ugu bandhigo dhibaatooyinka ka jira gobolka bay.

cabdi hosow

hosow1