Guuxa Dadweynaha”Kuwii Shalay u yaacaa Maanta Yaaban ee inta kalese maxaad u maleysay?!”

3
41

saq

 

 

 

 

 

 

 

Inta badan xubnaha maanta xilalka ka haya maamulka Shariif Sakiin ayaa waxay yihiin kuwo aan haba yaraatee wax aqoon ah u lahayn habdhaqanka mas’uulka ugu sareeyo maamulka ay sida indha la’aanta ah ugu yaaceen shalay ee KoonfurGalbeed Sedex gobol.

Taariikh madoowaha Shariif Xasan iyo Wax magarato xildoon ah oo iskaashaday ayaa waxay afduub iyo bililiqo isugu dareen maamulkii xalaasha ahaa ee ay ummadu inta ay isku tashatay dhisatay,

Hadaba waa iga su’aale ummad la boobay lana bililiqaystay sidee loo doonay in maanta la maamulo?

Way dhacdaa in bililiqadu ay shaqayso maamlo kooban hayeeshee waxaa hubaal ah in maamul bililiqo aanu bulaalin taa oo ay tahay ayaa waxaa iyana kaalinteeda leh kuwa u bareeray inay ummaddoodu ka raacdaan danahooda gaarka iyaga oo aanan kaba fekerin in Doon qura lawada saaranyahay oo hadba halkay nawada dhigto uu noqonaayo masiirkeena iyo kan caruurteena!.

Hadii shalay caada qaatayaasheenu u yaacista ay u yaaceen dhanka Sakiin ay ka ahayd hunguri doon-nimo talow maanta oo ay wax walba kala cadaadeen oo shacabku wada ogaadeen in Shariif Sakiin lug-gooyo Digil iyo Mirifle ma ahee aanu wax kale u joogin Arlada bal yaabnayee maxay u ak-fadhiyaan?!.

Laakiin horaa loo yiri Eygaaga baahi si uu kuugu soo ordo marwalba oo uu kor iyo hoosna kuugu eeg eego isagoo filaayo inaad wax uun u tuuri doontid…Halka reer xeebeedkuna ay u dhigaan Mukulaal meeshay mac ku baratay macluul ugu dhimataa!

Kuwo maanta ku hoos nool Shariif Sakiin ee waliba isku maaweelinaayo inay xubno ka yihiin maamulkiisa ma waanay ogayn in xaqiiqdoodu uu shacabku ogyahay oo farqaha deeman loo wada haysto oo la’aan iyo isuraacday ihaanada iyo Afxumada Shariif Sakiin mise way qabatimeen oo waa wada damiir laawayaal wajibir wada ah?

Cidna ma malayn karto in ruux shalay xor ku ahaa magaaladiisa maanta uu xabsi magaca laga bedelay oo loogu yeeray Madaxtooyo ku dhexjiro waa hubaal kuwan mas’uuliyada meelaha ka sheeganaaya inayan ahay kuwo dareesan waxa ay sheeganayaan aqoona warkeedaba daa’.

Suxufi madax banaan oo wacay wasiirka XXXX oo ka mid ah wasiirada xabsiga(Madaxtooyada) ku xareysan ayaa waxa uu weydiiyay sida loo heli karo wasiirka arimaha gudaha ama kan Aminga si uu uga wareysto dhacdadii Jasiira inta uu qoslay ayuu ugu jawaabay keebaad rabtaa labaduba waa kuwan oo xabsigay igula xareysan yihiine Wariyihii ayaa inta uu yaabay markale ku celiyay oo yiri Nimanka aan ku weydiiyay waa niman cul-culus kuna culus magaalada oo waxay ka dhasheen labada qabiil ee magaalada ugu tunka weyne ee waa sidee xaalku oo maxaa Xabsiga keenay mise waa loo dhan yahay xabsiga?Wasiirkii ayaa ugu jawaabay wariyihii warkiisa rumayn la’aa Xabsigan waa loo dhan yahay waana u wada siman nahay rag iyo dumar oo min hal joodari iyo Musqul ayaan wada wadaagnaa waxa inoo furana waa Garoonka Diyaaradaha oo aan ka baxno kana soo degno kadibna dib ugu xaroona xabsigeena!!!

Xildoon-nimo intaa gaartay,Samir kii Ayuub dhaafay hadaanay doqon-nimo ahayn maxaan ku sifayn karnaa?

Oo Kuwii Shalay u yaacay dhanka Shariif Sakiin inay Maanta Yaab labada daan ay gacmuhu uga dhegaan ma waanay Dow ahayn?!

Abdiaziz ShSalah

Waa inoo Talaadada danbe Idin ALLE.

3 COMMENTS

  1. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    Waxaan idin leeyahay,Digilmirifle halagu daydo dunida xaq u dirirka ah,ha leyska daayo aragtida gaaban ee u adeegeysa gumeysiga,dulmiga,cadaalad darada iyo sinaan la,aanta”Dalka idinkaa is ka leh wadaniyiin baa tihiin”

  2. Ali Shariifoow ilaahey ka baq sidaad xaqdarada shariif sakiin ugu taageyreysey waa daashey, Marka hadad deegaanka kasoo jeedo dadkaada u baq hadii kalana waqti badan yuusan kaaga lumin xaqdarada ilaahey u towba keen weligaana xaqdaro ha u hiilin caaaaac laheyne.

Comments are closed.