Dhallinyarada kasoo laabaneyso Al-Shabaab oo loo furay xarun dhaqan celin ah

0
38

Wasiirka amniga qaranka ee Soomaaliya ayaa furay xarun lagu dhaqan-celinayo dhallinyarada kasoo baxsatay malleeshiyada Al-Shabaab oo laga hirgaliyay magaalada Muqdisho.

Xarunta oo ay hirgalisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa firitaankeeda ka qaybgalay mas’uuliyiijn katirsan xukuumadda iyo ciidammada qalabka sida.

Sheekh Nuun Baaruud Gurxan oo kamid ah culumaa’uddiinka Soomaalida ayaa madasha ka sheegay inay xaruntu muhiim u tahay toosinta mustaqbalka dhallinyarada kasoo baxsanaysa Al-Shabaab.
Cabdiraxmaan Tuur-yare, taliyaha nabadsugidda ee Soomaaliya ayaa isaguna tilmaamay inay xaruntu ka qayb qaadan doonto xaqiijinta nabadgalyada.

Wasiir ku-xigeenka Aw-qaafta iyo arrimaha diinta ee xukuumadda Soomaaliya Macallin Cali Aadan ayaa xusay inay wasaaraddu la shaqaynayso xarunta.
Wasiirka amniga ee Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa xarunta ku tilmaamay meesha kaliya ee lagu daryeeli karo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay malleeshiyadu ka dhaadhicisay fikradaha khaldan.
Wuxuu carabaabay in dhallinayarada kasoo laabaneyso Alshabaab ay wax badan ka faa’idi doonaan xarunta.

Wariye Cumar Xasan Khayre
Wariyaha daafeet.com ee Muqdisho