Madaxweyne Xasan Sheekh oo u Hambalyeeyey Reysulwasaraha Dalka Ingiriiska

0
32

xasanMadaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aaddan guusha Xisbiga Conservative uu ka soo hoyey doorashada Britain u direy Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Mr David Cameron.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay cashar ka barteen doorashadan , maadaama la isku diyaarinayo in markii ugu horeysey dalka Soomaaliya ay doorashooyin ka dhacaan sannadka 2016 muddo dheer kadib.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay inuu rajeynayo in labada dal xiriirkooda uu sii xoogeysan doonno, isla markaana Britain ay sii wadi doonto taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya.